Qabiilka iyo Khilaafka Soomaaliya: Al Shabaab iyo Sheeka-Baraleyda “Ka-takhallusidda Siyaasad Beeleedda”

Ahren Schaefer & Andrew Black
Turjumidda: Cabdicasiis Guudcadde

 

Haybta qabiilka iyo Islaamku waa tiirar dhexaadka bulshada Soomaalida, iyada oo gedgeddoonka
qabiileed iyo xifaaltanka reeruhu uu cirka isku sii shareeray tobanaankii gu’ ee dawladdu
burbursanayd. Al Shabaab—oo ah maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee ku xooggan badi koonfurta
iyo badhtamaha Soomaaliya—waxay ku andacoodaan “ka-takhallusidda siyaasad beeleedda,”
haddana xaqiiqadu way beeninaysaa sheegashadan, oo waxa muuqata in Al Shabaab ay
caadaysato gacantogaalaynta gaashaanbuuraysiga beelaha maxalliga ah, isla markaana siyaasad
qabiileedku ay si weyn u saamayso. Falanqayntani waxay tibaaxaysaa in waloow Al Shabaab ay
qeexaan hayb marinwaa ah oo islaamiyiinnimo iyo taabacsanaan Al Qaacida ah, haddana
habdhaqankii hore iyo danbayso ee kooxdu uu si baac fog ugu xididaystay gedgeddoonka
maxalliga ah ee Soomaaliya. Intaa waxa raaca, xeerarka qabiileed waxa ay xataa hagaan
islaamiyiinta loogu cabsida badan yahay Soomaaliya!
Soomaaliya: Siyaasadaha oo Idili waa Maxalli
Qaabdhismeedka qabiilka iyo jufooyinku waa u udubdhexaad sawraca Soomaalida. Iyaga oo aad
u yaryar, ayaa ubadka soojireen ahaan loo baraa in ay qaybaan oo ku carrab-qoystaan
abtirsiintooda; marmarka qaar waxa la gaadhsiiyaa 20 ilaa 30 fac oo awoow-ilaa-ka-awoow ah
[1]. Markii uu dumay taliskii Siyaad Barre 1991, oo ay u hadhay maamulka aan daadegsanayn ee
Muqdisho saldhigga u tahay, cunfi qabiileed iyo xifaaltan awoodeed ayaa qarxay markii
qaabdhismeedkii iyo sawricii qabiileed uu buuxiyay haawashadii dawladnimo. Burburkii ka
dhashay hannaankani waxa uu qaadhaan ku darsaday fahanka isdiiddan ee qabiillada ee maanta
shaacsan. In kasta oo Soomaali badani isku toyato qabiilka, haddana habdhaqanka
“qabiilnimada” ku ma eedeeyaan kala-daadsanaanta, cunfiga, iyo burburiddii degganaanshaha
Soomaalida [2].
Sidaas oo ay tahay, bulshada Soomaalidu waxay isku haybsataa qabiil, xifaaltanka qabiilkuna
waxa uu qaabeeyaa isdheellitirka awoodeed ee guud ahaan Soomaaliya. Beelaha iyo jufooyinka
Soomaalidu dhul ahaan waa ood-wadaag aanu si cad u kala qaybin aag beeleed sooc ahi, waloow
jufooyinka qaar ay awood roon ku leeyihiin deegaannada qaar. Tusaale ahaan, magaala-madaxda

* Waxa maqaalkan falanqaynta ah qoray Ahren Schaefer oo falanqeeye arrimo debedeed ka ah Wasaaradda
Arrimaha Debedda ee Maraykanka; iyo Andrew Black oo madaxa maamul (CEO) u ah shirkadda Navanti Group, LLC.
Qoraalkan waxa lagu faafiyay joornaalka Terrorism Monitor, tirsigiisii 9aad ee soo baxay Nov 04, 2011. Cinwaanka
afka Ingiriiska ahaa ee qoraalku waa: “Clan and Conflict in Somalia: Al-Shabab and the Myth of ‘Transcending Clan
Politics’” URL: https://jamestown.org/program/clan-and-conflict-in-somalia-al-shabaab-and-the-myth-oftranscending-clan-politics/.
Waxa aan turjumay Dec 23, 2017.[Turjumaanka].
2
Muqdisho waxa ay u qaybsantaa jufooyinka Hawiye, halka Raxanweyn (oo sida oo kale loo yaqaan
Digil-iyo-Mirifle) ay kaalin muuqata ka ciyaaraan gobollada badhtanka ee Bay iyo Bakool. Isaaqu
waxa uu ku badan yahay Soomaalilaanta waqooyi-galbeed, jufooyin Daaroodka ka mid ah oo
dhawr ahina waxa ay degaan badanka Buntilaan, gobollada waqooyiga iyo badhtamaha iyo
koonfurta Jubbada [3]. Qaybsanaantan dhuleed inta badan waxa ay ku aaddan yihiin furin
colaadeed, maaddaama beeluhu ku laacdamaan galaangalka iyo khayraadka.
Nidaamkan kakan ee isku qoofalani waxa uu unkayaa xeerarka ay tahay in ay u hoggaansamaan
siyaasiyiinta, dagaal-oogayaasha, iyo xataa argagaxisada Soomaalidu. Iyada oo Al Shabaab ay
kobcaysay gu’yaashii u danbeeyay, oo ay u muuqanaysay in ay soo jiidanayso danaynta gudeed
iyada oo wadata aragtiyo jihaad oo caalami ah, haddana kaalinta qabiilku waxa ay weli
qorqoraysay oo qaabanaysay ururka.
Al Shabaab: Ka-gabbashada Faquuqa “Habdhaqanka Qabiilnimo”
Al Shabaab waxay 2006 u soo ifbaxday iyada oo ah maleeshiyaad hoos yimaadda Midawgii
Maxkamadaha Islaamiga ah, waxaana lagu dhaliilay in ay tahay maleeshiyo Hawiye [4]. Jufada
Habar Gidir/Cayr ee ka tirsan beesha weyn ee Hawiye waxa loo tixgeliyay in ay si gaar ah galaangal
u yeelatay xilligii Midawga Maxkamadaha. Iyada oo uu hoggaaminayo Aadan Xaashi Cayrow, Al
Shabaab waxay ku caan baxday adduun-araggeeda Takfiiriga Salafiyaysan ah iyo xidhiidhkeeda Al
Qaacida [5].
Kala-furfurankii Midawgii Maxkamadaha, oo ay ku xigtay duullaankii uu militeriga Itoobbiya ee
utunta loo hayaa ku soo galay Soomaaliya, Al Shabaab waxay u xuub siibatay xoogga ugu mayalka
adag uguna caabbiska badan ee lidka ku ah qabsashadii Itoobbiyaanka, iyaga oo xataa bannaystay
xubno ka mid ah tirayarta (minority) “looma-ooyaanka” Soomaalida, dhisayna qaabdhismeed
hoggaamineed oo reero badani ku wada jiraan (Sunna Times, November 10, 2010) [6]. Dr. Andre
Le Sage waxa uu xusay in Axmed Cabdi Godane, Fu’aad Shongole, iyo Ibraahin Xaaji Jaamac, oo
lagu daray dagaalyahannada shisheeye ee Al Shabaab, ay yihiin hoggaamiyayaasha mintidka ah
ee taageersan aydiyoolajiyadda Al Qaacida ee jihaad caalami ah. Si taa ka duwan, hoggaamiyayaal
kale oo Shabaabka ah, iyo kooxo badan oo ka tirsan askarta caadiga ahi waxa ay damacan
qarannada ka gudbaya u hayeen daacadnimo yar [7].
Ololaha aan la yaraysan karin ee Shabaabku ku qaaday Itoobbiyaanka sida gunta fog u degtay
waxa uu keenay in hoggaanka jihaad-doonka ah ee kooxdu uu la sinnaado ajandahooda
mintidnimo ee dhadhanka qawmiyadnimo leh, iyo in ay ku helaan taageero beeleed baahsan oo
ku dhisan “cadawga guud” [8]. Dedaalka ay ugu jirtay hanashada taageero beeleedda baahsan
ayay Al Shabaab wajahadda u soo dhigatay dahaadhkeeda islaamiyiinnimo iyo qawmiyadnimo;
waxa aanay qabsashadii Itoobbiyaanka ku heleen in ay ku gacan sarreeyaan koonfurta iyo
badhtamaha Soomaaliya. Iyada oo ay tahay dhacdooyin ku soo noqnoqday taariikhda
Soomaalida, joogitaanka duule shisheeye waxa uu karay—haba noqoto kumeelgaadh e—in uu
kiciyo qaybaha kala geddisan ee Soomaalida [9].
3
Tan iyo intii ay Itoobbiyaanku dalka ka baxeen, Shabaabku waxay carrabbaabayeen in ay “ka
takhallusayaan qabiilka,” iyaga oo ku salaynaya rumayno islaamiyiinnimo iyo yoolka shareecada.
Go’aanka Al Shabaab ee ah in ay ka fogaato habdhaqanka qabiilnimo waxa uu ka soo unkamayaa:
a) rumaysnaanta in awooddu ku jirto midnimada; b) rumaysnaanta ay hoggaamiyayaasha haladaygga
leh ee kooxda badankood qabeen ee caalamnimada adduun-aragga Salafiga jihaadaysan
ee Al Qaacida; iyo c) dareenka hore loo soo xusay ee ah in kala-daadashada bulshada Soomaalidu
ay badanka ka dhalatay loollan awoodeed qabiil salka ku haya. Sidaa darteed, baaqan katakhallusiddu
waxa uu Al Shabaab siinayaa debecsanaan ay kula xaajoon karto, kuna abaabuli
karto taageero beeleed, iyada oo isla jeerkaasna siinaysa isku-xidhnaan guud oo
aydiyoolajiyadeed oo ay isku xidhnaadaan qaybaha bulshada Soomaalida, qurbajoogta, iyo xataa
dhaqdhaqaaqa jihaadka caalamiga ah.
Si kasta oo baaqani ugu eeg yahay mid dheef leh, haddana habdhaqanka qabiilnimo ee Al
Shabaab waxa uu beeninayaa guudnimada baaqan, waxa uuna muujinayaa in ururku ku
dagaalamo loollan qabiil salka ku haya oo ka aloosan dhexdiisa, kala dhexeeyana dhinacyada kale
ee Soomaaliya.
Soo-ifbixiddii Al Shabaab: Ku-sii-dagaalanka Dirir Beeleed
Istaraatajiyadda Al Shabaab iyo karinwaageeda ay kari weyday in ay ka baaqsato saamaynta
qabiilka ayaa raadeeyay habka kooxdu ay xoogga u qaybiso, dagaalyahannada u qorato, ee ay u
duufsato dadweynaha Soomaalida. Hababkan ayay Al Shabaab si qaro weyn isugu beddeshay
shantii gu’ ee u danbeeyay. Markii hore iyada oo ku bilaabantay maleeshiyo yar, Al Shabaab waxa
ay hanatay taageero maxalli ah oo u haystay xoogga keli ah ee la dagaalami kara faraggelinta
Itoobbiya ay Soomaaliya ku soo qaadday dabayaqaadii 2006 ilaa horraantii 2009 [10]. Sidii horaba
loo taabtay, bartani waxay bulaalisay tirada Al Shabaab waxa ayna xoojisay qaabkeedii caalamiga
ahaa. Maanta, Al Shabaab waxa lagu qiyaasaa in ay u qoran yihiin 2 500—3 000 oo dagaalyahan,
oo sida ay u badan tahay hoosta kala xidhiidhsan 3 000 iyo jarjar maleeshiyaad dheeri ah oo
gacansaar la leh. Si ay tahayba, jaahan badankiisii waxa uu kala daatay markii Itoobbiyaankii dalka
ka huleeleen 2009, maaddaama ismaandhaafkii beeluhu uu durba soo shaac baxay ee uu
saameeyay hoggaankii Al Shabaab iyo khilaafkii kala dhexeeyay jilayaasha Soomaalida ah ee kale.
Iyada oo hoggaamintii qabiillada badani ku jireen ee Al Shabaab uu xarakada faa’ido u lahaa,
haddana ismarinwaagii ka dhex dillaacay hoggaamiyayaashii hormuudka ahaa sida Amiir Axmed
Cabdi Godane “Abu Subayr” (Isaaq/Arab) oo ka soo jeeday Waqooyiga, iyo Abbaanduule
Mukhtaar Roobow “Abu Mansuur” (Raxanweyn/Mirifle/Liisaan), waxa uu dildillaac ku abuuray
kooxda. Weerarkii Ramadaantii 2010 ee Al Shabaab waxa ka soo baxay warbixinno badan oo
warbaahinta Soomaalidu soo gudbinaysay, oo sheegayay xurguftan hoggaamineed oo Al Shabaab
dhexdeeda ka holcaya—falcelinta weerarradii guuldarraystay iyo cabashadii wakiillada beelaha.
Gaar ahaan, Mukhtaar Roobow sida laga shakisan yahay waxa uu xoogaggii Raxanweyn kala
baxay Muqdisho, waayo isaga iyo odayadii Raxanweyn waxa ay ka cadhoodeen in
dagaanyahannadii beeshoodu khasaaraha ay ku yeesheen saami aan lala qabin (Garoowe Online,
4
January 9; East African [Nairobi] January 24; eeg sida oo kale Terrorism Monitor, October 21,
2010). Dhacdadani waxay tilmaamaysaa guuxa soo jiitamay ee ka dhex taagnaa Roobow iyo Cabdi
Godane oo soo taxnaa tan iyo 2008. Roobow waxa uu aad uga xanaajiyay Cabdi Godane markii
uu jidmar u fududeeyay mas’uuliyiin xukuumadda Soomaalida ka tirsan oo ay isku qabiil yihiin,
ee uu sida oo kale oggolaaday deeqihii biniaadamtinnimo maaddaama ay ka faa’idaysanaysay
beesha Roobow ee gobollada Bay iyo Bakool [11]. Khilaafyadan hoggaamineed ee qabiilka salka
ku hayaa waxa ay kordheen 2011; gaar ahaan arrimmo xaasaasi ahaa sida oggolaanshaha gargaar
biniaadamtinnimo, iyo kala-faataxaysigii Xisbul Islaam iyo Al Shabaab (eeg Terrorism Monitor,
August 12).
Hannaanka qabiillada ku baahsan ee Al Shabaab waxa ay ka caawinaysay in la dedo nuglaanshaha
hoggaankeeda, Amiir Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahin X. Jaamac Afgaani, oo labaduba ka soo
jeeda beesha Isaaq ee Soomaalilaan, oo ah deegaan ka baxsan koonfurta Soomaaliya ee Al
Shabaabtu sida caadiga ah uga hawlgasho. Cawaaqib ahaan, hoggaamiyayaashani awood dabiici
ah oo saleed ku ma ay lahayn aagagga koonfurta Soomaaliya ee ay Al Shabaab ku gacan sarrayso.
Si taa lid ku ah, hoggaamiyayaal badan oo ku abtirsida Hawiye, Daarood ama Raxanweyn, sida
Mukhyaar Roobow, waxa ay sida caadiga ah awoodayeen in ay saldhigyo awoodeed oo qabiil
shiidaalinayo ka qalqaaliyaan koonfurta Soomaaliya—taas oo badanaa u horseedda in ay
dheellitiran ka dhex abuuraan danaha maxalliga ah ee baragmaatiyaysan (pragmatic) iyo haladaygayaasha
aydiyoolajiyadeed ee Al Shabaab [12].
Ku-dagaalanka Dirir Beeleed
Haddii dib loo milicsado dagaalladii ay Al Shabaab gashay gu’yaashii u danbeeyay, waxa ka
muuqanaysa gedgeddoon beeleed oo cad. Dagaalladii dhex maray Al Shabaab iyo
maleeshiyaadka islaamiyiinta ah ee agagaarka Muqdisho ka dhaw ee taabacsan oo dhinac ah, iyo
xukuumaddii kumeelgaadhka federaalka ahayd ee taagta darnayd, ee qarxay May 2009 iyo
haddana weerarkii Al Shabaab ee Ramadaantii 2010 (eeg Terrorism Monitor, October 21, 2010).
Labadaa goorba nabad-ilaaliyayaal ku dhaw 7 000 oo ku hawgala AMISOM ayaa Al Shabaab ka
hor joogsaday in ay ridaan dawladdii kumeelgaadhka ahayd. Ka-dagaalanka badhtamaha
Soomaaliya weli wuu baaxaaddegayaa, iyada oo AMISOM ay gacanta ku hayso dhaqdhaqaaqa
Muqdisho 2011 jeer oo khasaare weyni ka soo gaadhay gaadmadii Al Shabaab ee October (eeg
Terrorism Monitor, October 28). Jufooyinku waa u muhiim xaaladdan ma-gudbaanka
rabshadaysan ah. Muqdisho ruuxeeda, jufooyinka Hawiye ee awoodda leh ee Abgaal, Habar Gidir
iyo Murusade waxa ay u kala qaybsan yihiin xukuumadda iyo fallaagada Al Shabaab [13].
Koonfurta Muqdisho ayay Al Shabaab ka aloostay dirir qabiil ku salaysan si ay gacanta ugu dhigto
dekedda muhiimka ah ee Kismaayo. Dayrtii 2009, Al Shabaab waxay si kamaddanbays ah ula
wareegtay maamulka Kismaayo, awooddiina gacanteeda ayay ku soo ururisay inta ay bannaanka
u tuurtay xulafadeedii hore, maleeshiyo islaamiyiin ah oo loo yaqaannay Xisbul Islaam. Kooxdu
waxay u bilaabantay dallad ururro ah oo kale, oo ka kooban beelo iyo jufooyin kala duwan oo isu
gaashaanbuuraystay si ay u muujiyaan isu-dheellitiran awoodeed oo beelo ku qotoma. Waxa ka
mid ahaa Xulafadii Dibuxoraynta Soomaaliya (ee Asmara), ururkii SIF (Somali Islamic Front),
5
maleeshiyaadkii Raas Kambooni iyo maleeshiyaadkii Caanoole. Xulafadan dagaalamaysay waxa
lagu qaybiyay qaacido qabiil, iyada oo dagaalyahannadii Al Shabaab ee Marreexaanka ku
abtirsanayay ay aakhirkii ka adkaadeen maleeshiyaadkii Raas Kambooni (oo saldhig awoodeed
Ogaadeen ahaa) iyo dagaalyahannadii Harti ee loo yaqaannay qaybta Caanoole [14]. Qabsashada
ay Al Shabaab ku guulaysatay dekeddu waxay ahayd guul weyn oo istaraatajiyadeed, taas oo hilin
u siisay kharashaadkii dekedda iyo cashuurihii. Cilmibaadhis ayaa tibaaxaysa in hoggaankii Al
Shabaab ee aagga Kismaayo, oo uu hor kacayay Ibraahin X. Jaamac Afgaani, ay sii maarayn jireen
danaha Al Shabaab iyaga oo gacantogaalaynaya xadhko xulafo beeleed ah si ay u joogteeyaan
xakamaynta dhulkaa [15].
Curashadii Ahlu Sunna wal Jamaaca
Waqooyi marka kor loogu baxo, Al Shabaab waxay la dagaashay xulafo qaabdhismeedkeedu
nuglaa oo la yidhaahdo Ahlu Sunna wal Jamaaca (ASWJ). Is kasta oo caadi ahaan ay yihiin
isbahaysi Suufi ah oo iskii isu hubeeyay si uu uga falceliyo Al Shabaabta dumisay xabaalihii
Suufiyada, haddana ASWJ waxa ay ku qaabaysnaayeen hab qabiileed ku taxan gobollada
Galgaduud, Hiiraan iyo Gedo. Itaalka ASWJ waxa uu ku jirridaysan yahay qayb ahaan taageero
qabiillo ku dhisan, sida in xubno Habar Gidir, Dir iyo Marreexaan ahi isu xusheen in ay ASWJ ka
taageeraan la-dagaalanka Al Shabaab (Shabelle Media Network, January 24; Garowe Online,
January 25) [16].
Xataa meelaha ka baxsan badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya, qaybaha Al Shabaab waxa ay
ku xidhan yihiin beelo. Al Shabaab saamayn aad u yar ayay ku leedahay Buntilaanta iyo
Soomaalilaanta waqooyiga Soomaaliya, balse kooxdu qaraxyo iyo dilal qorshaysanba way ka
geysatay, isku-xidhnaantooda firfircoonna waa laga yaqaan halkaa. Hoggaamiye maleeshiyeedka
Buntilaan deggan ee Sh. Maxamed Siciid “Atam”, waxa uu si aan kala-go’ lahayn buuraleyda
degmada Galgala ee gobolka Bari kula dagaalamay xukuumadda Buntilaan [17]. Atam waxa sida
oo kale ay khabiirrada Qaramada Midoobay ku tilmaameen in uu yahay “aasaasi ahaan dagaalooge
Warsangeli ah,” in kasta oo isaga iyo shabakaddiisa Buntilaanba lagu yaqaan in ay la jiraan
Al Shabaab iyo ujeeddooyinkeeda. Dood ayaa ka taagan in shabakadda Atam ay xidhiidh toos ah
la leedahay Al Shabaab, maaddaama Atam iyo xubin sare oo Al Shabaab ahiba ay dedafeeyeen
xidhiidhkaa. Qaramada Midoobay waxay 2011 xustay in Atam uu kaalmo maaliyadeed iyo mid
caafimaadba ka helo Muqdisho iyo Kismaayo, iyo in shabakaddiisa Sool iyo Sanaag ay “si fiican
uga mid noqdeen Al Shabaab” [18]. Dagaalladan badankoodu waxay ku xisaabsan yihiin hab qabiil
salka ku haya, taas oo isku xoqday beesha Atam ka soo jeedo ee Daarood/Harti/Warsangeli iyo
beesha seeska u ah xukuumadda Madaxweyne Faroole ee Daarood/Majeerteen [19].
Xataa qoridda dagaalyahanno shisheeye—kuwa asalkoodu Soomaali yahay [balse dhalasho kale
sita]—waxay ku salaysnaan kartaa hab qabiil. Warbixin Qaramada Midoobay soo saartay March
2010 waxay ku sheegtay in wax ka badan nus labaatankii Soomaalida ahaa ee ugu horraynta ka
yimi Minneapolis si ay uga dagaalamaan Soomaaliya ay ahaayeen Harti, dhawr SoomaaliAmeerikaan
ah oo lagu dilay Soomaaliyana waxa la ogaaday in ay qoys ahaan isxigeen Harti;
kuwaas oo xoojinaya go’aankii ahaa in qoriddu ku dhacday istashkiilin reeraysan [20].
6
Waxa u qalma in la xuso hurgumooyinka jaadgooniga (unique challenges) ah ee gedgeddoonka
beelahu ku hayaan Al Shabaab, xilli ururku isku deyayo in uu qorto dagaalyahanno shisheeye.
Sawraca beeleed ee Soomaaliya ku xooggan, degganaansha-la’aanta sii socota, iyo bajinta
galaangalka shisheeye ayaa dalkii ka dhigaya mid aan u roonayn dadka aan asalkoodu Soomaalida
ahayn [21]. Al Qaacida casharkan waxay baratay horraantii 1990meeyadii, markii Usaama bin
Laaden—oo markaa degganaa Suudaan—uu kuxigeen, Abu Xafsa al-Misri, u diray Soomaaliya si
uu halkaa ugu soo unko shabakado argagaxiso iyo xeryo tababbarro. Abu Xafsa iyo asxaabtiisii
ugu danbayntii way fashilmeen, iyaga oo ku marmarsiiyooday in Soomaalida aanu jihaadku ka
dhab ahayn. Abu Xafsa sida uu qabana, hawlgalayaasha Al Qaacidi waxay bixinayeen kharaashka
reeraha, balse ay iibsanayeen uun—ama saxsanaantii ay kiraysanayeen—“addeecid” jufo oo
kumeelgaadh ah, si joogta ahna khaati uga taagnaayeen xulafooyin guurguuraya [22].
Gebagebo: Galaangalka Qabiilka iyo La-diriridda Al Shabaab
Waxaynu soo aragnay isqaadanwaaga ka dhexeeya baaqa ay Al Shabaab afka ka leedahay iyo
habdhaqannadeeda qabiilnimo. In kasta oo ay isu dhigayso ka-takhallusaha xifaaltanka reereed
si ay u meel marsato ajandaheeda Soomaaliweynnimo iyo keeda islaamiyiinnimo, haddana
caddaymuhu waxay ka marag kacayaan in Al Shabaab badhtanka ugu jirto murannada maxalliga
ah ee beelaha salka ku haya.
Siyaasad-dejiyayaasha waxa ay tani u muujinaysaa fursado istaraatajiyadeed oo badan. Marka
loo eego halka ay Al Shabaab isdhigtay ee ah in ay jaal la tahay adduun-aragga Al Qaacida, ururku
waxa uu ku dayacan yahay in uu caddeeyo fahannadiisa Salafiga jihaadsan si uu Al Qaacida iyo
xarakooyinka gacansaarka la leh legga uga galo, halka uu isku deyayo in uu awood ku dhex yeesho
shacab Soomaali ah oo gudihiisa eeganaya dano beeleed. Khalkhal kasta oo misaankan feejigan
ku yimaaddaa waxa uu keenayaa in laga kaco saldhigga awoodeed ee ay Al Shabaab sida
taxaddarka leh uga hanatay Soomaaliya dhexdeeda, ama in ay weydo taageero caalami ah oo
Salafiga jihaadsan ah.
Isaga oo qayb ahaan fursaddan aqoonsanaya, waxa uu Kaaliyaha Xoghayaga Arrimaha Debedda
ee Arrimaha Afrika, Johnnie Carson, uu Soomaaliya ugu dhawaaqay siyaasad “Labaale (Dual
Truck)” ah oo cusub bishii October 2010, taas oo loo qoondeeyay in aan lagu taageerin uun
dawladda kumeelgaadhka ah e, sida oo kale lagu kobciyo bulshada rayidka ah iyo dedaallada
dejineed ee Soomaaliya oo dhan [23]. Curintan labaalaha oo guulaysataa waxa ay hubaashii u
baahanaysaa ka-qaybqaadasho beeleed weyn, sidaa darteedna waxay carqaladayn doontaa
saldhig awoodeedka maxalliga ah ee Al Shabaab, waxa aanay si xooggan u khalkhalin doontaa
dheellitiranka hoggaan ee kooxda. Si istaraatajiyaddani u guulaysato, dawladda kumeelgaadhka
ahi waa in ay baxnaanisaa xulafooyinka beelaha, mid militeri iyo mid siyaasadeedba, waana in ay
muujisaa awoodda ay u leedahay in ay ka madaxbannaanaato AMISOM (Reuters, August 6).
Khabiirrada qaar ayaa farta ku fiiqa in ay dhalan karaan tilmaamayaal shaabbaha “dhaqdhaqaaq
Baraarug” oo Ciraaq-u-eke ah, haddana dedaallada caynkaas ah weli looma qalabayn si
nidaamsan (East African, January 24). Kooxo cusub oo beelo ahaan inta ay u salaysan yihiin lid ku
7
ah Al Shabaab ayaa madaxa la soo kacaya, balse waariddoodu weli waa ma-hubanti (uncertain)
[24].
Gorfayntan lagu sameeyay isbeddelka Al Shabaab iyo khilaafka ka socda Soomaaliya waxa aanu
caad ka saarnayn in siyaasad beeleeddu si lexaad leh u saamaysay Al Shabaab. Mustaqbal ahaan,
hadba kartida ay kooxdu u yeelato in ay sii joogtayso xulafaysiga beelaha ayaa aasaasi u noqon
doona biya-dhaca iyo sii-jiritaanka Al Shabaab ee waqtiga fog.

 

Advertisements

Maxaynu uga Baahannahay Culuunta Aadanaha (Humanities)?

Qoraalkan waxa June 20, 2014, lagu daabacay warsidaha Scientific American.

W/Q: John Horgan [Af Ingiriis]
 W/T: Cabdicasiis Guudcadde [Af Soomaali]

Maxay tartaa culuunta aadanuhu?  Maxaynu ka helaynaa barashada falsafadda, taariikhda, suugaanta, iyo sayniska “debecsan” sida kasmanafeedda (psychology) iyo siyaasadda? Waxa arrintaa isku deyay in ay furdaamiyaan Guddida Culuunta Aadanaha iyo Aqoonta Bulshada (The Commission on the Humanities and Social Sciences), oo ka kooban akaademiyahanno (academics), siyaasiyiin, iyo shirkado madaddaalo oo waaweyn. Warbixin xooggan, oo ay aqalka Kongareeska [Maraykanka] u gudbiyeen, ayay ka diyaariyeen jawaabta. Warbixintu waxay tiigsanaysaa taageeridda, iyo yaraynta isqoris-la’aanta culuunta aadanaha, oo ah takhasusaad inta badan loo arko “faakihaysi aanay ardayda jeebkooda ku xisaabtantaa iska bixin karin” sida uu u dhigay wargeyska New York Times.

Warbixinta oo cinwaankeedu ahaa “Uhda Qaddiyadda (The Heart of the Matter)”, waxa ay sheegaysaa: “culuunta aadanuhu waxay uhda qaddiyadda—iyo ilaalada jamhuuriyadda—u tahay dedaalka aynu ugu jirno abuuridda khidaab (discourse) guud oo xaddaari ah, goob shaqo oo lala qabsan karo hal-abuurna leh, iyo qaran amnigiisu xooggan yahay. Waxay il u tahay xasuus qarameed iyo awood rayid, fahan dhaqan iyo xidhiidh, gaadhis qofeed, iyo aragtiyaha aynu ka midaysannahay. Waxay muhiim u tahay bulsho dimuqraaddi ah, oo waa in aynu taageernaa.”

Run ahaantii, anigu waxaan difaacan sare u arkaa in ay ka buuxdo iskellifaad iyo madmadaw badani. Dhawr gu’ ka hor ayaan la soo baxay difaaciddayda dhul dhigan ee culuunta aadanaha aan difaacayay; markii aan bilaabay dhigista koorsooyin cusub oo qasab ku ahaa ardayda ku cusub machadka Stevens Institute of Technology. Manhajdka waxa ku jiray Sophocles, Plato, Thucydides, Shakespeare, Descartes, Hobbes, Locke, Kant, Mill, Marx, Nietzche, William James, Freud, Keynes, Eliot—waa odayadii ilbaxnimada Galbeedka.

Waan jeclaa dhigista xiisaddaa, balse ka ma soo qaadayo in ardayduna jeclayd. Sidaa darteed, waxaan maalintii u horraysay ardaydii wayddiiyay: “Intiinnee ayaan xiisaddan qaadateen haddii aanay qasab ahaan lahayn?” Markii aan u ballanqaaday in aanay jawaabtoodu dareenkayga dhib u geysanayn, gacmihii oo dhan ayaa taagnaa!

Markii aan wayddiiyay waxa dhibaatadu tahay, waxay ii sheegeen in ay machadka u yimaaddeen [barashada] injineernimo, culuunta kambayuutarka, fiisigis, caafimaad, dhaqaale, samaynta muusigga, iwm. Waxa isu qaban waayay waxa ay uga baahan yihiin waxakan aan khusayn danayntooda. Mar aan wayddiiyay waxa ay u malaynayaan in loogu soo qoray xiisaddan, waxay iyaga oo siniqsanaya iigu jawaabeen: “si ay nooga dhigaan kuwo wax badan bartay!”

Mar kasta oo aan jawaabtaa maqlo, waxa niyaystaa in aan idhaahdo “Maxay ka dhigan tahay taasi, ma in aad cayishay oo kale?” Balse waan ka joogsadaa, oo ma rabo in aan ku gefo ardayda buurbuuran. Taa beddelkeeda waxaan ugu jawaabaa: “Ma garanayo waxa jawaabtiinaasi la micno tahay. Ma waxay la micno tahay in aad Shakespeare isku tuurtuurtaan xilliga xafladaha aad joogtaan? Runtii waxba iga ma gelin.” Markaas ayaan uga sheekeeyay koorsadan:

Waxaynu ku nool nahay adduun saynisku qarqiyay. Taasi waa wax wanaagsanba. Waxaan noqday qoraa saynis, waayo waaxaan qabaa in saynisku yahay kan ugu xiisaha, isgeddiga, iyo caqiibada badan dhaqanka aadanaha, waxaanan doonay in aan qayb ka ahaado. Sida oo kale, waxa aan leeyahay labo caruur ah oo da’dii koolejka gaadhay, oo aan aad ugu riyaaqi lahaa haddii ay qaataan saynis, injineernimo ama caafimaadka. Waxaanan rabaa in aan ku dhiirriggeliyo in ay bartaan sayniska iyo xisaabta intii karaankooda ah, waayo waa xirfado ay ku heli karaan shaqo qiimo sare leh.

Balse sababta aan qoraa saynis u noqday, qun ahaan, waa in saynisku yahay mid awood badan oo ina geyaysiiyay heer aynu maanta culuunta aadanaha ugu baahannahay si aynaan weligeen ugu baahan. Xiisadihiinna sayniska, xisaabta iyo injineernimadaba waxa la idiin dhigaa xaqiiqooyin, jawaabo, aqoon iyo dhabnimo. Macallimiintiinnu waxay idin yidhaahdaan: “sidan ayay wax yihiin.”  Hubanti ayay idin siiyaan. Culuunta aadanuhu se, ugu yaraan sida aan u dhigo, waxay idin siinaysaa mahubanti (uncertainty), shaki iyo iskebtinnimo (skepticism).

Culuunta aadanuhu waa fallaago. Waxay ku durdurisaa sheegashada awoodaha oo dhan, mid siyaasadeed, diineed ama saynisba. Iskebtinnimadani waxay muhiim sii tahay marka ay timaaddo sheegashada biniaadamnimada, waxa aynu nahay, halka aynu ka nimi, iyo xataa waxa aynu noqon karno iyo waxa ay tahay in aynu noqonno. Saynisku diintii ayuu buu inoo beddelay, isaga oo inoo noqday isheenna u weyn ee jawaabaha wayddiimahan. Saynisku wuxuu wax badan inooga sheegay nafaheenna, maalin kastana waynu baranaynaa.

Balse culuunta aadanuhu waxay ina xasuusinaysaa in aynu awood badan u leennahay marinhabaabinta nafaheenna. Waxay kale oo ina bartaa in qof kastaa jaadgooni (unique) yahay, oo ka duwan yahay qofka kale, iyo in qof kasta oo innaga mid ah uu isu beddelo qaab aan la saadin karin. Bulshooyinka aynu ku dhex nool nahay ayaa sida oo kale isbeddela—qayb ahaanna waxa isbeddelkaa ku keena sayniska iyo tegnaloojiyadda!  Sidaa awgeed, meelo gaar ah oo muhiim ah ayuu aadanuhu ku dedafeeyaa sharraxaadaha uu saynisku ina siinayo.

Culuunta aadanuhu waa su’aalo in ka badan inta ay tahay jawaabo. Inta aynu fasalkan ku jirnana waa in aynu la legdannaa su’aalo nacasnimo ah oo waaweyn. Sida, maxay tahay horta dhabnimadu (truth)? Sidee ayaynu u ogaan karnaa in wax uu dhab yahay? Ama dhanka kale, maxaynu u rumaysannaa in waxyaabaha qaar ay dhab yihiin, qaarkoodna aanay ahayn? Sida oo kale, sidee ayaynu ku go’aansannaa in samaynta wax ay innaga gaar ahaanteen ama bulshada guud ahaanteed ku tahay khalad ama sax?

Sida oo kale, waa maxay micnaha noloshu? Maxay noloshu u jirtaa asalkaba? Farxaddu ma inoo noqon kartaa hadaf? Horta maxay farxadi tahay? Farxaddu ma noqon kartaa yool la hiigsado, mise waxay laan u tahay hadafyo kale oo ka muhiimsan, sida aqoon-helid, ama silic-reebid?

Qof kasta oo idin ka mid ahi waa in uu iskii u raadiyaa warcelinnada su’aalahan. Socrates, oo ka mid ah falsafadyahannada aynu wax ka akhrin doonno, ayaa yidhi “murtidu waa in aad ogaatid in aad wax yar og tahay!”

Haddii aan shaqadayda sideeda u qabsado, marka koorsadu inoo dhammaato waxaad awoodi doontaan in aad cid kasta su’aal gelisaan—xataa anigaygan! Waxaydun su’aal ka keeni waxyaabihii la idiin ka sheegay dabeecadda xaqiiqada; ujeeddada nolosha; waxa ay la micno tahay in la noqdo qof wanaagsan. Waayo waa taa, sida aan u arko, sababta aynu ugu baahannahay culuunta aadanaha: waxa ay innaga ilaalisaa in aynu ku xayirnaanno damaceenna hubantida (our desire for certainty).